DG/Jubbaland oo sheegtay in ay hawlgal ku dishay xubno ka tirsan Shabaab

Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ciidanka Jubbaland ka sameeyeen tuulooyin u dhaw degmada Jamaame.

Saraakiishan ayaa sheegay in ay saldhigyo badan oo tuulooyinkaasi ku yaallay ay burburiyeen ciidamada Jubbaland sidoo kalena ay dileen rag ka tirsanaa Al-Shabaab.

Cali Koosaar oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Jubbaland ee howlgalkan hogaaminayay ayaa sheegay in Al-Shabaabkii ku sugnaa tuulooyinkii ay howlgalada ka sameeyeen ay qaarkood dileen.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidamada Jubbaland ay diyaar u yihiin in ay sii laba jibaaraan hawlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilawday Jubbaland.

Korneel Cali ayaa ugu baaqay shacabka Jubbaland iney la shaqeeyaan ciidamada si loogu guuleysto amniga guud ee Jubbaland.

“Waxa guutada Koowaad ee Daraawiishta waxa ay burburiyeen saldhig ay cadowga ku lahaayeen Buulo Xaaji, meydka aad arkeysaan waa Taliyihii amniga iyo guddoomiyihii Tuulada, Alle wuu nagu guuleeyay, dhimashadu waa Todobo, annaga wax khasaare ahnama soo garin.” Ayuu yiri Korneel Cali .

Ciidamada maamulka Jubbaland aya maalmahan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka bilaabeen degaanada Jubbaland gaar ahaan degmooyinka iyo tuulooyinka ay hada Al-Shabaab maamulaan.