Dhacdo layaab leh oo maanta ka dhacday magaalada Guri ceel ee gobolka gal-gaduud

Dhacdo naxdin ah oo aad looga argagaxo ayaa saaka ka dhacday degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kaddib markii nin madaxa loogu jiro uu gowracay xaaskiisa.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xaaji Cabdi Siyaad ayaa bireeyay xaaskiisa oo la sheegay inay isku dhaleen illaa 7 carruur ah.

Xaaska la gowracay ayaa magaceeda lagu sheegay Canab File, waxaana markii dambe ciidamada maamulka Ahlusuna ay gacanta ku dhigeen ninkan falkan geystay.

Dadka deegaanka Guriceel ayaa dhacdadan ku noqotay mid argagax iyo anfariir leh, iyadoo ay tahay dhacdadii u horeysay ee nooceeda ka dhacda deegaanka.