Dhageeyso:-Madaxweynaha Puntland oo ka Warbixiyay safar uu ku Tagay Dalka Ethoipia

C/weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Dowladda Puntland  oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa shir jaraa’id oo uu warbaahinta u qabtay,waxaa uu uga hadlay Safarkiisii dalka Ethiopia ee shirkii TANA Forum, Ciidamo dhawaan si xoog ah Gudaha Maxkamadda Gobolka Nugaal ee Magaalada garoowe ugala baxay nin eedaysane ahaa iyo Qaraxii Isniintii lasoo dhaafay ee 20-kii bishaan April Garoowe lagu qaaday Gaari ay la socdeen Shaqaale QM ka tirsan. Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in safarkiisii Ethiopia uu guul ku soo dhammaaday islamarkaasina Dowladda puntland ay sanadkii labaad u ahayd ka qaybgalka Shirka TANA Forum.

Sidoo  kale Madaxweynaha Puntland ayaa si kulul uga hadlay Ciidamo dowladda Puntland ka tirsan oo si xoog ah Maxbuus eedaysane ahaa ugala baxay Gudaha Maxkamadda Magaalada Garoowe, waxaana uu arrintaas ku tilmaamay mid aan la aqbali karin oo ciddii ku kacday ay jawaabi doonto dowladduna ay tallaabo deg deg ah ka qaadi doonto. Hoos ka Daawo Sawiro  2 3 4 5 6 7 8