DHAGEYSO: Aaden Barre Ducaale oo ka hadley Derbiga Kenya ku dhiseyso xuduuda

Todobaadkii la soo dhaafay, waxaa muran ka dhex taagnaa dadka ku nool magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo iyo ciidamada Kenya oo la sheegay in ay waddeen dhul balaarsi.
Murankaas ayaa yimid ka dib markii Kenya ay dib u bilowday dhismaha derbi kala xadeynaya xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.
Arrintan ayaa waxaa ka hadlay siyaasiyiin iyo aqoon yahan kala duwan.
Aaden Barre Ducaale, oo ah hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku qasbeen darbiga dagaalyahanada Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay hadii laga adkaado Al-Shabaab, ama la ciribtiro, in dowladda Kenya ay joojin doonto derbiga laakiin ay sii waddi doonto tan iyo inta ay dhibaatada ka taagan tahay Soomaaliya.