DHAGEYSO: Barakacayaal Maamulka kaxda uu dib u dejin u sameeyay

????????????????????????????????????

Maamulka gobolka banaadir ayaa dib u dajin u sameeyay qoysas danyar ah oo barakac ku ahaa xero ku taalla degmada Kaxda ka dib markii dadkii lahaa boosaska ay deganaayeen ay usoo baahdeen.
Maamulka gobolka ayaa dadka barakacayaasha ah dajiyay meesha laga guuriyay meel u dhaw oo isla degmada Kaxda ah.
Boosaska la dejiyay qoysaskan ayaa dadkii lahaa waxaa laga kireeyay muddo 4 sano ah si aysan u dhicin in mar kale si qalad ah qoysaskaasi danyarta ah loo guuriyo sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka banaadir.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa qoysaska booqday waxa uuna u geeyay deeq kala duwan oo ay u badnaayeen daawooyin, bacaha roobka, bustayaal iyo alaabo kale oo muhiim ah nolosha dadkaasi.
Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil C/llaahi ayaa Warbaahinta ugu warbixiyay deeqda Maamulka gobolka uu soo gaarsiiyay qoysaska baracayaasha ah ee degmada Kaxda ku nool.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in maamulkiisa uu mar walbo garab taagan yahay dadka danyarta ah.
War qoraal ah oo dhawaan ka soo baxay Hay’adda QM ayaa lagu sheegay in Maamulka gobolka banaadir uu qasab ku barakiciyay qoysas barakacayaal ah oo deganaa degmada Kaxda balse Maamulka gobolka banaadir ayaa warkaasi beeniyay

????????????????????????????????????