DHAGEYSO: Cali Khaliif Galeyr oo dalab u diray Madaxweyne Biixi

Cali Khaliif Galeyr ayaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliland wuxuu ka dalbaday inuu fuliyo heshiiskii Maamulkiisa ay horey ula galeen Madaxweyne hore Axmed (Siilaanyo).

Wuxuu sheegay Cali Khaliif Galeyr intii ay socotay ololaha Doorashada Madaxweynaha Somaliland in ay is arkeen Saddexdii Musharax ee u tartamaysay xilka Madaxweynaha Soomaaliland.

Sidoo kale Cali Khaliif ayaa sheegay Madaxweynaha cusub ee Soomaliland Muuse Biixi Cabdi uga fadhiyaan dhaqan gelinta heshiiskii ay wada gaareen Maamulada Khaatuma iyo Soomaaliland.

Mudane Galeyr ayaa waxa uu tilmaamay in Somaliland-ta cusub ay tahay mid aan loo dhameyn loona baahan yahay in la sameeyo Cadaalad iyo sinnaan, isaga oo sidoo kale ugu baaqay in laga wada shaqeeyo Xasiloonida degaanada Somaliland.