DHAGEYSO: Dowladda Kenya oo 790 Guri ka dhacday Baledxaawo

Guddigii dowladda Soomaaliya ay u dirtay in ay soo qiimeeyaan Xaaladda Magaalada Baledxaawo oo la sheegay in dowladda Kenya ay ka waddo dhul Balaarsi ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay soo arkeen.
Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ahaa Xildhibaanadii tagay Baledxaawo oo Faahfaahin ka bixinaayay waxyaabihii ay soo arkeen ayaa waxaa uu sheegay in dowladda ay qaadatay dhul Soomaaliyeed oo Balaaran.
Fartaag ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dhankeeda Marsatay in ka badan 790 Guri oo ay lahaayeen dadka kunool Magaalada Baledxaawo.
Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Soomaaliya ay laga doonaayo in ay sameyso Guddi ka shaqeeya Arintaasi, Maadaama dowladda Kenya ay waddo dhul Balaarsi.