DHAGEYSO: Hirshabeelle “Waxaan sugeynaa balanqaadyadii DF-ka

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Maamulka Hirshabeelle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maamulka Hirshabeelle uu sugayo fulinta balan qaadyadii dowladda dhexe.

Waxa uu sheegay in shirkii ay la yeesheen dowladda dhexe looga balan qaaday in la mideeyo Canshuuraha iyo Maaliyadda dalka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si deg deg ah ay dowladda dhexe u fuliso balan qaadyadii dowladd goboleedyada ay ka qaaday.

Waxa uu tilmaamay in Wasaarada Maaliyadda Hirsbaheelle ay ka shaqeyneyso kobcinta dhaqaalaha Maamulka iyo hagaajinta hanaanka maaliyadeed.