DHAGEYSO: Isbedel lagu sameynayo Ciidamada ku sugan Sh/Hoose

– Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Idaacadda Radiyo baydhabo ayaa sheegay ka maamul ahaan in ay wadaan qorshe lagu bedelayo guud ahaan Ciidamada ku sugan Gobolka, si loo keeno Ciidamo cusub.
Wuxuu sheegay talaabadan oo ay garab ku siinayaan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka in ay wax badan ka bedeli doonto dhaq dhaqaaqa amni ee Gobolka.
Sidoo kale Guddoomiye Ku xigeenka ayaa sheegay ujeedka loo sameynayo isku dhafka Ciidamada Dowladda in ay tahay sidii loo wax looga qaban lahaa Isbaarooyinka aan xadidneyn, dhibaatooyinka lagula kaco Haweenka iyo Dagaal beeleedyada.
Shabeellaha Hoose waa Gobolka ugu colaada badan ee dalka, waxaa isku fara saara mararka qaar Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Shabaab, Maleeshiyo beeleedyo, khasaaraha ugu badan wuxuu soo gaaraa rayidka.