DHAGEYSO: kala Iibsiga Xayawaanka Diin-diinka Dowladda oo ka hadashay

Muqdisho maalmahan dambe waxaa ku soo badatay hadal hayn ah in Diinka ama Diidiinka uu noqday Qaali, iyadoo qaybaha kala duwan ee Bulshada ay si wayn u hadal hayaan sheekada ku saabsan Diinka.
Goobaha Bulshada ay isugu yimaadaan ayaa si wayn looga hadal hayaa sheekada la xiriirta Diinka iyo inuu qaali noqday oo dad ay ku iibsanayaan qarash aad u fara badan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maxamed Cumar oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay tahay Sharci daro kala iibsiga Xayawaanka Diindiinka, islamarkaana tilaabo laga qaadi doono cidii lagu Arko.
Waxaa uu sidoo kale ciidamada Ammaanka lagu Amray in ay ilkooni ah ku eegaan Kontooradda laga soo geliyo Diindiinka Magaalada Muqdisho.
Ajaanib ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inaya ka dambeeyaan qorshaha uu qaaliga u noqday Diinka, waxayna dantooda tahay inay qalaan, kadibna ay ka soo dhex saaraan Jawharad ay ku iibsanayaan qarash badan.