Dhageyso:-Khudbada Ra’isal Wasaaraha Cusub..

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo hadal Kooban ka jeediyay Munaasabadii lagu Magacaabaayay ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha xilkan adag ee uu u magacaabay, waxaana uu balan qaaday in uu wax badan qaban doono, isla markaana uu dalka gaarsiin doono inay ka dhacdo doorasho xor ah, marka la gaaro sanadka 2016-ka.

Ra’isal wasaaraha magacaaban Cumar Cabdarashiid Cali ayaa waxa uu sheegay sida ugu dhaqsiyaha badan uu u sii dhisi doono Xukuumad tayo leh oo uu kala tashanayo madaxweynaha, Guddoonka Baarlamaanka, iyo Xildhibaannada Xukuumadaasi oo uu tilmaamay in dalka ay ka samata bixin doonto dhibaatada uu ku jiro, wuxuuna rajo wanaagsan uu ka muujiyay in Xukuumadaasi ay la imaan doonto Waxqabad buuxa oo dadka ay mahdiyaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu sii wadi doono horumarka Dowladda ay ku tilaabsatay waxa dhiman uu qaban doono oo ay ka mid tahay hiigsiga 2016 oo la doonayo in doorasho xor ah ay ka dhacdo dalka.waxa uuna shacabka iyo madaxda dowlada ka codsaday in ay la shaqeeyaan.

Ra’isul wasaaraha magacaaban ayaa waxa uu tilmaamay in uu wax ka qaban doono arrima la xiriira horumarinta dalka sida sugida ammaanka, iyo gaarsiinta dalka Dowladnimada taa oo uu tilmaamay in ay tahay mida lagu xoojin karo Dowladnimada.