DHAGEYSO: Lacag loogu tala galay dadka ay Saameeyeen Abaaraha oo la Musuqmaasuqay

Duraan Cali Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada Galmudug oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in la Musuq maasuqay lacagtii Guddiga Abaaraha ee Heer Faderaal ay ugu deeqeen degaanada maamulka Galmudug.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Guddigii loo soo dhiibay Lacagta ay marsiiyeen meel Qalad ah , islamarkaana ay gacanta u gashay Shaqsiyaad ah.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in wax walbe oo lagu deeqay degaanada Galmudug in loo baahan yahay in lasoo marsiiyo xildhibaanada Baarlamaanka , maadaam ay yihiin Hay’adda kaliya ee shaqeynaysa.

Hadalka kasoo xildhibaanka ayaa kusoo beegmaya Xilli Madaxweyne ku xigeenka Galmudug uu sheegay in ay qeybiyeen deeqdii kaga timid dowladda Soomaaliya , islamarkaana ay gaarsiiyeen dadka kunool degaanada Galmudug.