Dhageyso Maamulka Degmada Heliwa oo ka warbixiyay Howlgal laga sameeyay Degmada Heliwa

Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Maxamed Axmed Xaashi oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgalo Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay ka sameeyeen Xaafado ka mid ah Degmada Heliwaa.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ujeedka howlgalka uu aha sidii lagu xaqiijin lahaa Amaanka Xaafado ka mid ah Degmada Heliwaa isla markaana ay ka guul gaareen Ujeedka ay ka lahaayeen howlgalkaasi.

 

Sidoo kale Maxamed Axmed Xaashi  Gudoomiyaha Degmada Heliwaa ayaa sheegay in inta uu socday howlgaladaasi ay ku soo qabteen dad fara badan ayna ku socdan baritaano waxa uuna xusay in ay sii wadi doonaan howlagaldaasi.

 

Maamulka Degmada Heliwaa ayaa mudooyinkii dambe ku howlanaa xaqiijinta amaanka xaafado ka mid ah Degmadaasi waxana dhawaan Saldhigyo ku yaalla Degmada Heliwa la geeyay Ciidamada Booliska iyo welibo Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.