DHAGEYSO ,,Maamulka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyey xalinta Dagaal beeleedkii Degmada Maxaas

Maamulka degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen howlo lagu xalinaayo labada maleesho beeleed oo ku dagaalamay duleedka degmadaas oo ka bilaawday halkaas,kuwaas oo la sheegay in intooda badan ay guuleysteen.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Cabduqaadir Cabdi Cabdillaahi ayaa sheegay in lagu guuleystay in Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya la kala dhex-dhigo labada maleeshiyo ee dagaalamay lana kala qaado.

Wareysi uu siiyey Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay Guddoomiyaha in Odayaasha & Waxgaradka Jawiil oo kaashanaya Saraakiisha Ciidamada ay geli doonaan wajiga labaad oo la isugu keenayo Odayaasha Dhaqanka,isla markaana degmada Jawiil ee soo gaari doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiijiyey dagaalkii maalma ka hor deegaanka Mareero ku dhex-marey labada maleeshiyo Beeleed oo dhulka isku heysta ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 5 Ruux halka dadka qaarkood ay deegaanka ka barakaceen