DHAGEYSO: Madaxweynaha oo amray Saraakiisha dhalinyarada in loo dhiibo hoggaanada ciidanka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa amray in Saraakiisha dhalinyarada ah ee ka midka ah ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya in loo dhiibo hoggaanada ciidanka, maadaama dhalinyaradaasi ay yihiin kuwa waxbartay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya C/wali Jaamac Gorod oo la faray amarkaasi, ayaa durba shalay wuxuu kulan la qaatay Saraakiisha dhalinyarada ah ee ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha ayaa wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inuu waydiistay in hoggaanada ciidanka iyo Talisyada qaybaha loo dhiibo Saraakiisha da’da yar ee tababarada ku soo qaatay dalalka dibada.

Generaal C/Wali Jaamac Gorod Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Saraakiisha da’da yar ee ku jira Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya loo dhiibi doono hoggaanada kala duwan ee ciidamada.

Dhalinyaro badan ayaa ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo u baahan dhiiragelin Xooggan in loo sameeyo, maadaama ay yihiin kuwa dalka iyo dadka naftooda u huray.