DHAGEYSO Madaxweyne Farmaajo” Askari xun ma jiro laakiin waxaa jira Sarkaal xun

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dalbaday Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan hufnaanta Shaqo ciidamada.
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in sare loo qaado Aqlaaqda Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uusan jirin Askari xun laakiin uu jiro Sarkaal xun oo jiho wanaagsan ku hagin ciidamada .
Waxaa uu tilmaamay in ay ciidamada laga doonaayo in ay ilaaliyaan Waajibaadka Saaran.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka shaqeynaayay sidii loo tayeyn lahaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana xarunta Wasaaradda Difaaca uu ka waday kulamo kala duwan.