DHAGEYSO: RW Kheyre oo sheegay in xukuumaddiisa ay xoojin doonto Cayaaraha

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya, Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare, Guddoomiyaha gobolka banaadir, Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa ka qeyb galay kulan lagu sagootinaayay laguna dhiira gelinaayay Ciyaartoydii maamulka Jubbaland ee ku guuleysta tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir.
Masuuliyiintii kulan ka qeyb gashay ayaa ciyaartooyda ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen tartankii lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho Jimcihii la soo dhaafay.
Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhalinyarada Kooxda Jubbaland ugu mahad celiyay sida wanaagsan oo ay tartanka ugu qeyb galeen.
Sidoo kale Ra’isal Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadiisa ay ahmiyad siineyso sidii dhalinyrada Soomaaliyeed ay fursad ugu heli lahaayeen iney xirfadahooda hormariyaan.
Waxa uu tilmaamay in ay dhisi doonaan garoomo badan sidoo kalena ay dib u furi doonaan Garoonka kubada cagta.
Jimcihii la soo dhaafay ayay ahayd markii Kooxda kubada cagta ee Jubbaland ay koobta ku guuleysatay ka dib markii ay ka badiyeen kooxdii Maamulka Puntland