DHAGEYSO: Shacabka Muqdisho oo ka hadlay isbedelka Wasiirada

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay aragtidooda ka dhiibteen xilka qaadistii maanta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu ku sameeyay Saddexda Wasiir ee ka tirsanaa Xukuumadda.
Qaar ka tirsan shacabka Muqdisho oo la hadlay Idaacadda Radio Baydhab ayaa waxa ay sheegeen in wax wanaagsan ay tahay magacaabistan, isbedelna ay ku sameyn karaan Wasaaradaha loo magacaabay.
Sidoo kale qaar ka tirsan shacabka Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in lagu deg degay xilka qaadista lagu sameeyay Wasiirada cusub, sidoo kalena aanan loo marin hanaankii saxnaa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xilalkii ka qaaday Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Yusuf Garaad Omar, Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha Khadra Axmed Ducaale iyo Wasiir Cabdi Faarax Saciid (Juxa), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta.
Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa waxaa lagu bedelay Maxamed Cadi Xayir (Maareeye), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda JFS, Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda JFS iyo Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda JFS.