DHAGEYSO: Shariif Xasan oo abaalmarin u ballan qaaday wasiiradiisa balse hal sharuud ku xiray (Maxay tahay?)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka dalbaday wasiiradii uu magacaabay inay waajibkooda uga soo baxaan sida saxda ah.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay magacaabay wasiirada afar wasaaradood ayaa sheegay inuu abaal-marin doono wasiirkii shaqadiisa u gataa sida ugu wanaagsan.

Wuxuu sheegay in sidoo kale uu soo dhameystiri doono wasiirada kale ee dhiman isagoo carrabaabay in uu ka shaqeyn doono dib u heshiisiinta, isu soo dhoweynta maamulka Koonfur Galbeed iyo dhinacyada ka soo horjeeda.

Wuxuu sheegay in wasiiradan ay ka filayaan inay noqdaan dad qabta shaqo wanaagsan.