DHAGEYSO: Shirkii Nabadeynta iyo Wadatashiga Gobolka Banaadir oo baaqday

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa ku dhawaaqay in uu baaqday Shirka Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta Gobolka Banaadir, kaa soo lagu waday in uu Maalinta Beri ah ka furmo Magaalada Muqdisho.
Duqa Magaalada ayaa sheegay in Howlo farsamo oo jira awgood uu shirka ubaaqday, waqtiga shirka laqaban doono uu Maamulka dib ka soo sheegi doono.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa horay ugu dhawaaqay in 7 Bishaan Magaalada Muqdisho uu ka furmi doono Shirkaasi.
Sababaha uu shirkaan u baaqday ayaa qaarkood lagu sheegay in ay tahay Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagi doono degaanada Puntland iyo Galmudug