DHAGEYSO: SOCENSA oo War kasoo saartay Shirkii Baaqday ee G/Banaadir

Dalladda Ururadda aan dowliga aheyn ee ka dhisan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa War ka soo saartay Shirkii Baaqday ee gobolka Banaadir.
Waxa ay sheegeen in Shirkaasi uu muhiim yahay Bulshadda kunool gobolka Banaadir, Maadaama Magaalada Muqdisho ay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan.
Gudoomiyaha Ururadaasi Diini Maxamed Diini ayaa Warbaahinta u sheegay in Shirkaasi wadatashiga ah uu u yahay Horumar weyn gobolka Banaadir.
Waxaa uu ku baaqay in Shirkaasi la qabto 20-25-Bishaan.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu baaqday Shirkii dib u heshiisiinta iyo Horumarinta gobolka Banaadir oo lagu waday in Muqdisho lagu qabto 7-8-dii Bishaan.