DHAGEYSO: Somaliland oo Cafis u Fidisay Siyaasiyiinta Ka soo Jeeda Somaliland ee Ku sugan Soomaaliya

Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in ay cafis u fidinaayaan siyaasiinta kasoo jeeda maamulka Somaliland ee xilalka ka haya dalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada warfaafinta maamulka Somaliland oo Hargeysa warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in maamulka Somaliland ay diyaar u yihiin cidwalba oo kasoo jeeda maamulka Somaliland, islamarkaana diyaar u ah in ay ka tanaasusho fikarka Soomaali weynimo in ay soo dhaweeyaan.

Cismaan Cabdulaahi Saxardiid ayaa sheegay in madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamuud Maxamed Siilayo uu cafis guud u fidiyay siyaasiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda Somaliland ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.