DHAGEYSO: Soomaaliya oo maanta la wareegeysa Maamulka Hawada

Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 28-ka December in ay dhaceyso Xafladda Soomaaliya loogu soo wareejinayo Maamulka Hawada.

Waxa uu sheegay Wasiir (Oomaar) in muddo Soomaaliya ay u xusulo duubeysay sidii ay ula wareegi laheyd Maamulka Hawada Soomaaliya, oo tan iyo bur-burkii laga maamulayay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka kenya.

Sidoo kale Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya ayaa sheegay Diyaaradaha dhibaaootiyn badan in ay ku qabaan in Nairobi laga maamulo Hawada, maadaama qalab duug ah hada lagu shaqeeyo, balse marka Muqdisho loo soo wareejiyo qalab cusub lagu shaqeyn doono.

Wuxuu sheegay Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta Dowladda, maadaama laga guurayo wadan, loona guurayo wadan kale in Nairobi iyo Muqdisho ay isla shaqeynayaan, mudo ku siman bil.

Inta ka dhiman sanadkaan sii dhamaanaya 2017-ka ayuu ku eeg yahay muddo Ballameedkii ay ku heshiiyeen Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Maamulka Hay’adda Duulista Qaramada Midoobay u qaabilsan ee ICAO, sidaa awgeedna waxa uu tibaaxay in Soomaaliya ay isku diyaarisay la wareegidda Maamulka Hawada.

Nidaamka Hawada dalka lagu soo wareejinayo ayaa soo bilawday sanadkii 2014-kii, tan iyo Xiligaasi waxaa socday kulamo ay yeelanayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Madaxda Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan Duulimaadka Qorshuhuna waxa uu ahaa in Soomaaliya loosoo celiyo Maamulka Hawada.

Bisha soo socota Janaayo ee bilawga u ah Sanadka 2018-ka Dowladda Soomaaliya ayaa rajada ugu weyn ka qabta Maamulka Hawada, waxayna Qaramada Midoobay ku kontorooli kartaa Soomaaliya sida ay wax u maamusho