DHAGEYSO: wado furis dhowaan bilaabanaya

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 27-aad ee ka howlgala degaanada Hirshabeelle ayaa sheegay dhowaan in ay bilaabayaan furista wadada xiriirisa Jowhar iyo Beledweyne.
Gen. Maxamuud Macalin Koronto oo ah Taliyaha Ciidanka xoogga dalka qeybta 27-aad ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka ay diyaar u yihiin hujuunka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.
Wuxuu sheegay Gen. Koronto in uu garanayo Taatikada dagaal ee ururka Al-shabaab, isaga oo sidoo kale balan qaaday in dhowaan Shabaab ay ka saari doonaan wadada xiriirisa Jowhar iyo Beledweyne.
Ciidanka xoogga ayaa hada ku jira diyaar garow ku aadan sidii guud ahaan ururka Al-shabaab looga saari lahaa degaanada iyo degmooyinka ay ka joogaan Gobolada dalka