DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyay Weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Qeybdiid

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa u sheegay warbaahinta in hadda dowladda ay gacanta ku heyso 41 Askari oo ka dambeeyay Weerarkii Xildhibaan Cabdi Qeybdiid.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in falkaan uu yahay mid ku cusub Siyaasadda Soomaaliya, taasoo dhibaato iyo qalqal Amni keenikarta.

Sidda ugu dhaqsiyaha badan ayuu sheegay in sharciga loo horkeeni doono, islamarkaana ay warbaahinta la wadaagi doonaan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay Weerar ku qaaday Guriga Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale” Qeybdiid”

Waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay kusoo qaadeen Weerar Abaabulan.

Waxa uu sheegay in mid Kamid ah ilaaladiisa la Jirdilay, Qolalka Gurigiisa la Jajabiyay, Baaris badan laga sameeyay Hoygiisa iyadoon aan wax fasax ah looga heysan.