DHAGEYSO: xarumaha Ciidamada DF ee Hiiraan oo Xildhibaano kormeeray

Xildhibaano ka tirsan Labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa koormeer ku tagay Xarumaha Ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan.

Xildhibaanadan ayaa sidoo kale koormeeray Xabsiyada ku yaalla gobolka Hiiraan, iyaga oo soo indha indheeyay xaaladaha Maxaabiista ku xiran Gobolkaasi.

Koormeerkooda ka dib ayay la hadleen Warbaahinta, waxa ayna sheegeen in xaalado cakiran ay ka jiraan goobihii ay booqdeen.

Xildhibaanadan ayaa sidoo kale waa ay sheegeen in Wasaaradaha ay quseyso ay u gudbinaya waxyaabaha ay ku soo arkeen goobaha Ciidan oo ay booqdeen.

Waxa ay tilmaameen in ay sii wadayaan goobaha ay koormeerayaan inta ay ku sugan yihiin Gobolka Hiiraan.

Xildhibaanadan ka tirsan Labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay gaareen gobolka Hiiraan waxa ay wadeen booqashooyinka ay ugu koor galayaan xaaladaha ka jira gobolka iyo dhibaatooyinka heysta dadka shacabka ah.