DHAGEYSO: Xildhibaan Cabdiqeybdiid oo ka hadlay Weerarkii lagu Qaaday Gurigiisa

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta Weerar ku qaaday Guriga Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale” Qeybdiid”

Waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay kusoo qaadeen Weerar Abaabulan.

Waxa uu sheegay in mid Kamid ah ilaaladiisa la Jirdilay, Qolalka Gurigiisa la Jajabiyay, Baaris badan laga sameeyay Hoygiisa iyadoon aan wax fasax ah looga heysanXildhibaanka ayaa sheegay in Gaari dagaal Gurigiisa lagu hor jaray ka dibna, Qoryo lagu qabtay Ilaaladii Gurigiisa.

Howlgalkan ayuu ku timmaamay mid sharci darro ah maaddaanma isaga uuyahay Xildibaan ka mid aha qalka sare ee dalka Oggolaansho la’aanna aan la geli karin Gurgiisa.

C/Qeybdiid ayaa ka maqnaa Guriga xilliga ay Ciidamada tagayeen waxaase uu tagay kaddib markii ay Ciidamada baaritaanka sameeyeen