Dhageyso:Baydhabo oo Bajaaj laga mamnuucay 3maalmood sababo laxirira Amaanka

Taliyaha saldhiga booliska Degmada Baydhabo Mukhtaar Axmed Ibrahim(Dugudow)
Ayaa sheegey laga billaabo maalinta berri ah Taariikhduna ku beegantahay 7/8/2018 ilaa iyo 10 ka bishan in aan lagu arki karin wadooyinka wax Bajaaj ah iyo sidoo kale Mootooyinka caadiga ah.

Taliyaha ayaa sheegey sababta loo hakiyey Bajaajta in ay tahay sababo la xiriira ammaanka oo laamaha amniga iyo Sirdoonka Ciidanka Booliska ay xog ku heleen in falal amniga ka baxsan ay soo Abaabulayaan Alshabaab oo looga baqayo in ay u adeegsadaan Bajaaj sida uu sheegey Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Baydhabo Mukhtaar Axmed Ibraahim Dugudow.

Magaalada Baydhabo ayaa laga dareemayaa Wadooyinka mashquul aad u badan oo dhinaca Bajaajta ah waxaana ay aad ugu soo badatey magaalada mudooyinkan dambe.
Hooos ka dhageyso codka

020822_007