DHAGEYSO:dagaalka ka socda Sool oo Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka ka socda Koonfurta gobolka Sool.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado dagaalka ka socda degaanka Qorilay ee gobolka Sool, waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in la qaado tilaabo deg deg ah.

Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu baaqay beelaha dagaallamaya in ay dagaalka joojiyaan, islamarkaana ay qaataan nabadda iyo waanwaanta ay waddaan waxgaradka.

Guddi ayuu sheegay in ay halkaasi u diri doonaan.

Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa sidoo kale tibaaxay in Somaliland ay gurmad u fidin doonto dadkii ay waxyeelo kasoo gaartay dabkii shalay ka kacay degmada Togwajaale.