Dhageyso:Dowladda Soomaaliya oo Soomaaliland Ujawaab Celisay…..

Iyadoo dhawaan Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliland Cali Maxamed Warancadde uu sheegay in Ciidamada isku dhafka ah ee Dowladda Soomaaliya ay sameyneeyso ay Caqabad ku yihiin Amaanka Soomaaliya ayaa waxaa Arrintaasi ka hadlay Xukumadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gudiga Isku dhafka Ciidamada ahna Wasiir Dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Maxamed Cali Xagaa ayaa warkaasi ku tilmaamay mid aan laga fiirsan,waxaana uu sheegay in Dowladda Soomaaliya Ciidamada ay sameeyneyso ay yihiin kuwo qaran oo Qabiil ka madaxbanaan.

“Aniga oo ah wasiir Dowlaha wasaarada Gaashandhiga waxaan ka soo jeedaa Gobol Waqooyi ee soomaaliya,waxaan ka Xumahay hadalkaa ka soo yeeray Maamulka Soomaaliland”ayuu yiri Xagaa.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay in Ciidamada la sameenayo ay yihiin kuwo qaran islamarkaana loo qorsheeyay in ay xaqiijiyaan Amaanka Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka:-