Dhageyso:G/Maxamed Mursal oo ka tacsiyeeyey Qaraxyadii Baydhabo Sheegeyna in Dhaawacyada Culus Dibada loo Qaadayo

Gudoomiyaha Golaha Shacabka JFS Maxamed Mursal Shekh Abdirahman oo wareeysi siiyey Idaacada Raadiyo Baydhabo ayaa ka tacsiyeyey weeraradii foosha xumaa ee lala beegsadey Shacabka reer Baydhabo.

wuxuu tacsi u direy ehelada dhamaan dadkii ku geeriyoodey Qaraxyadii arxanka DARNAA ee lala beegsadey shacabka Baydhabo wuxuuna sidoo kale caafimaad Allah uga baryey intii ku dhaawacantey dhacdadaasi xanuunka badneyd ee lala beegsadey bulshada Baydhabo.

Gudoomiyaha Baarlamanka Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan sidoo kale sheegey berri Diyaarado Dawo ah in loo soo dirayo Baydhabo qofkii dhaawiciisa Baydhabo wax looga qaban wayana Muqdisho ilaa Dibadda loo qaadi doono.

Ugu yaraan inta la xaqiijiyey Qaraxyadii Shaley ka dhacay Baydhabo ayaa la sheegey in ay ku dhinteen 15 Qof halka dhaawacana uuu marayo 50 iyo wax la jira iyadoona laga cabsi qabo in ay sii badato dhimashada.