Dhageyso;Gudoomiyaha Buurhakaba oo ka warbixiyey xaalada guud ee Degmadaasi

Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba Maxamed Ibraahim Nuur [ wanteem ]oo wareysi siiyey Raadiyo Baydhabo ayaa kawarbixiyey xaaalada guud ee Buurhakaba.waxaana uu sheegey ina yare e uu Gudoomiye ka yahay Degmada Buurhakaba ay waxyaabo badan iska badaleen iyadoo uu sheegey wixii ka horreeyey maamulkiisa in ay aheyd mid nadaafadeeda aad u xun Buurhakaba balse haatan ay wax ka badaleen dhanka Nadaafada oo waxbadan ay ka qabteen nadaafada iyo Bilicda magaaladaasi ayna ku guuleysteen qashinka in laga qaado magaalada.
Waxaa kale uu ka Hadley gudoomiyaha Degmada Buurhakaba in ay wadaan dhismo airboor oo ay yeelaneyso Buurhakaba hakadyarna uu ka galey oo ay sugayaan maalmaha soo socda qalabkii lagu hagaajin lahaa oo ah makiinadihii lagu hagaajin lahaa Dhulka laga sameynayo Garoonkaasi Diyaaradaha ee loo sameynayo Degmadaasi Buurhakaba.
Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa sheegey in aysan jirin cid gacan kusiineysa dhismaha Garoonkaasi oo ay isku tashteen Shacabka iyo Maamulka DEgmada Buurhakaba.waxaana uu sheegey Gudoomiya Buurhakaba dhawaan in labo Ceel laga qodey Degmada Buurhakaba dhawaana lagu dari doono hal Ceel oo kale ayna uga mahadcelinayaan Ilaah kasokow Amisom iyo Maamulka KGS.Gudoomiyaha ayaa sheegey in ay wadaan dadaalo lagu horumarinayo Degmada Buurhakaba adeegyadeeda kala duwan.
Ugu dambeyn gudoomiyaha Degmada Buurhakaba ayaa baaq udirey Maamulka Koonfurgalbeed Dowlada dhexe ee Soomaaliya Hay adaha iyo Jaaliyadaha ka soo jeeda Magaalada Buurhakaba.
Dhawaan ayaa waxaa magaalada Buurhakaba ee Gobolka Bay waxaa kormeero indho indheyn ah u tagayey Mas’uuliyiin katirsan KoonfurGalbeed Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Hay’adaha Ka howlgala Deegaanadan KGS.waxaana ugu dambeeyey Booqashadii Xildhibaan Mad muran oo ah Xildhibaan katirsan KGS kana soo jeeda Degmada Buurhakaba