DHAGEYSO:kheyre Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa oo la sameynaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ka hortagga falalka Musuq maasuqa ah.
Waxaa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay sameysay Sharciga la dagaalanka Argagixisadda, islamarkaana ay u gudbisay Baarlamaanka Soomaaliya.
Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale xusay in la sameyn doono Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa.
Dowladda Hadda jirta ayuu sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in qof ka mid ah uu ku dhaqaaqo Fal Musuq ah.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilihi lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo looga hortagaayo Musuq maasuqa.