Dhageyso;;Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo Xoojinaya Wada Shaqeyntooda

Shir Looga Hadlayey Xoojinta Xiriirka Wada Shaqayn ee Dowlad Goboleedyada Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed oo Maanta Baydhabo Ka Dhacay
Waxaana Shirka Si Wadajir ah Udaahfurey Madaxweyniyaasha Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed,

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren ayaa sheegey si Horumar loogaaro in ay Muhiimtahay wada shaqeynta Labada Maamul iyo Shacabkooda oo dhan kasta leh waxaana uu xusey in laga wada shaqeeyo wax is dhaafsiga labada Maamul Goboleed sida Ganacsiga Amniga iyo Horumarinta arimaha Bulshada maadaamaa Labada Maamul ay yihiin kuwo soohin wadaag ah,

Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyey Mdaxweyne Waarre iyo Golihiisa Wasiirada sida ay ugu Faraxsanyihiin in ay wada shaqeyn dhow ay la yeeshaan Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed wuxuuna sheegey in ay faaido weyn u tahay Xiriirka labada Maamul Labada Shacab,

Shirka ayaa intii uu socdey waxaa laga soo saarey Warmurtiyeed waxaana Warbaahinta u akhriyey Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Ugaas Xasan Cabdi
Halkan Hoose ka dhageyso Codka Wasiirka