DHAGEYSO,,Kulan looga Hadlayey amniga iyo Dib usoocelinta Bilicda magaalada Beydhabo oo manta Xarunta Degmada Kadhacy

Kulankaan oo looga Hadlayey amniga iyo dib usoo celinta Bilicda magaalada ayaa waxaa soo Qaban qaabiyey maamulka Gobolka, iyo kan Degmada beydhabo, waxaana kulankaa kasoo qeyb galay laamaha Amaanka Gobolka ,iyo kuwa Degmada Beydhabo, gudoomiyaashada xaafadaha magaalada Beydhabo iyo ururada bulshada rayidka ,
Ujeedka Kulankaan oo ahaa sidii loogu diyaar garoobi lahaa Sanad guurada madaxweynaha koonfur Galbeed,
Gudoomiyaha Degmada ahna Duqa magaalda beydhabo Hassan macalin Axmed ayaa taliyaasha ciidamada iyo Gudoomiyaasha xaafadaha uga mahad celiyey imaatinka Kulanka,
Duqa magaalada beydhabo ayaa Taliyaasha ciidanka ku amaaney shaqada ay u hayaan bulshadooda kuna dhiira galiyey in ay laba jibaaraan howalaha ay u hayaan Bulshada iyo amniga magaalda
sidoo kale Gdoomiyaha Degmada ayaa gudoomiyaasha xaafadaha iyo ku xigeenadooda faray in ay u istaagaan ka shaqeynta bilicada Magaalada, Isagoona gudoomiyaasha ku amrey in guri walbo oo ku yaalo 10 ka xaafadood ee magaalada beydhabo Nal lagu wada xiro , cidii ka hor yimaadana Laganaaxo.