Dhageyso;Madaxweynaha KG oo Booqdey Xeebta Baraawe SAWORO

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Kgs iyo wafdi uu hogaamiyo oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad gobolleedka Kgs ayaa manta gaaray caasimada dowlad gobolleedka Kgs ee degmada Baraawe.

Tagitaanka madaxweyne C/Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo wafdigiisa ayaa noqotay mid aad u farxad gelisa guud ahaan dhalin yerada ka soo jeeda degmada baraawe iyagoo farxad weyn kulla qaatay xeebta dheer ee degmada baraawe.

Gudoomiye ku xigeenka abniga iyo siyaasada ee degmada baraawe ayaa radio Baydhaba u sheegay in ay manta ay dareemayaan dowlda aad u jecel shacabkeed isagoo sabab uga dhigay in gudoomiyaha baarlamanka iyo madxweynuhuba ay farxad kulla qaateen dhalin yerada xeebta degmada baraawe.

Waziirka Wazaarada Arimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Dowlad gobolleedka Kgs ayaa ka hadlay u jeedada safarkooda ay ku tageen baraawe ee caasimada maamul goboleedka Kgs waxaana uu sheegay in madaxweynuhu uu kullan la qaatay odey dhaqameedyada Degmada Baraawe iyo Ururada Bulshada.

Waziirka ayaa isagoo hadalkiisa wata sheegay in madaxweynuhu mudo labo maalmood uu ku sugnaan doono degmada baraawe ee caasimada Kgs deegano kallena ay ku tagi doonaan booqasho.