Dhageyso:M/weynaha Koofur Galbeed oo Afgooye kula kulmay Odayaal iyo Saraakiil..

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan oo ku sugan Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Xalay kulamo la qaatay Odayaal iyo Saraakiil Ciidan oo ku sugan Degmada Afgoooye,kuwaas oo uu kala hadlay Xaalada amaan Ee Degmada.

Afhayeenka Madaxweynaha Koofur galbeed C/qaadir Nadara oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Dhinacyada uu la kulmay ay kawada hadleen Xaqiijinta Amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa Raga wata Dariiska Ciidamada Dowladda ee Dadka Shacabka ah ku dhibaateeya Gobolka Shabellaha Hoose.

Afhayeenka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka codsaday Odayaasha iyo Saraakiisha ka shaqeynta Amniga iyo Garab istaaga Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Gobolka Shabellaha Hoose.

HALKAN KA DHAGEYSO AFHAYEENKA HADALKIISA:-