Dhageyso,Qaar ka mid ah Xildhibaanada KGS oo qaadacay Go aamada Shirkii Kismaayo

Qaar ka mid ah xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta Shir ku yeeshey Magaalada tan Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka soo horjeestey go’aamadii Maamulka uu gaarey ee Xiriirka loogu jarey Dowlada dhexe Federaalka Soomaaliya.

Tiro Xildhibaano ah oo Maanta Shir ku yeeshey Magaalada Baydhabo ayaa si weyn uga soo horjeestey Hadalkii ka soo yeerey Mas,uuliyiinta Ugu sarsareysa ee maamulaka oo uu gu horeeyo Madaxweynaha Maamulka KGS.

Waxaana ay sheegeen Xildhibaanadan oo ay kamid yihiin Xildhibaanad Cibaado iyo Xildhibaan Cali Xasan in Talada iyo aayaha Masiirka Dadyowga Reer Koonfur Galbeed aysan ka go in Qof iyo labo ama kooxo gooni ah waxaana ay sheegeen Reer KGS in ay ka mid yihiin Dalka Soomaaliya.Nidaamka Federaalkana loo Fahmey Si qaldan

(HOOS KA DHAGEYSO CODKA XILDHIBAANADA)