Dhageyso;Xildhibaan C/fataax Ibraahin Geesey oo ka hadley Fatahaada Degmada Berdaale

Xildhibaan C/ftaax Ibraahin Maxamed geesey waxaa uu ka mid yahay Xildhibaanada Baarlamanak Jamhuuriyada Fediraalka Soomaliya lagana soo doortay Deegaanada Maamulka Kgs.
Waxaa uu xildhibaanka gollaha shacabka uga waramay xaalada fatahaada iyo Daadadka soo galay Degamada Berdaale ee Gobalka Baay.

Waxaa uu xildhibaanka ka warbixiyay Qasaaraha Daadka Degmada Berdaale uu ka geystay oo isugu jira Dhimasho maalba.
Xildhibaanka ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa in ay ka dilaacayaan Cuduro faro badan marka ay dhacdo daadadkaan oo kale, waxaana Xilibaanka uu bogaadinayaa Gudiyada la magacaabay isagoona hadalkiisa ku daray in gudiga ay bar bar socdaan Xildhibaano oo si iskooda ah isu xilqaamayo.

Xildhibaanka ayaa Asagoo Hadalkiisa sii wata waxaa uu baaq u diray Qurba joogta ka soo Deeganada Kgs in ay gacan ka geystaan dhibaatada ka dhalatay daadadkan si aad ahna u saameysay walaalahooda qaarkoodan ay saran yihiin Geedaha.

Degmada berdaale ayaan ku oolin webi balse ay soo galeen Daadad aad u xoogan laguna sheegay in ay yihiin Biyo aad u uraya watana Bahalo iyo Qodxo oo Dadka dhibaato u geysanaya.