Dhalinyaro Soomaali Walaalo ah oo dil & dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika

Kooxo Burcad hubeysan ah ayaa xalay Saqdii Dhexe waxaa Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika ay dil, dhaawac iyo Boob hantiyadeed ay u geysteen dhalinyaro Soomaali ah.

Alle ha u naxariistee Axmed Macalin Jimcaale, ayaa dhintay halka Walaalkiis ka weyn ee Maxamed Macalin Jimcaale uu dhaawac yahay, kadib markii ay Kooxo hubaysani weerar ku galeen Dukaan ay Muwaadiniintaasi Soomaaliyeed ku lahaayeen Xaafadda Kraaifontein oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika.

“Dukaanka Sedex Wiil ayey ku joogeen, Tuugada oo Shan ah iyagoon qofna wax weydiinin ayey Xabadaha hurgufeen, taasoo haleeshay Axmed oo u dhintay iyo Maxamed oo hadda yaalla Isbitaalka Kraaifontein, wayna dhaceen Dukaanka…” ayuu yiri mid kamida Ganacsatada tagay goobta ay dhacdadu ka dhacday.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka weerarka uu ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaano la xiriira sida uu dilka u dhacay iyo sidii lagu heli lahaa Burcadii ka dambeeysay dilkaas.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan lagu dhibaateeyaa Ganacsatada Soomaalida ah, waxaana todobaadkii hore rabshadihii ka dhacay meelo kamid ah dalkaas lagu dilay ilaa Afar Dhalinyaro Soomaali ah.