Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsi ku yaalo dalka Ukraine oo raashinkii kasoomay

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Ukraine ayaa lasoo sheegayaa inay kasoomeen cuntada, kadib dhibaatooyin kala duwan oo ku haysata xabsiyada dalkaasi oo ay ku xiran yihiin.

Dhalinyaradaan oo qaab tahriib ah ku marayay dalkaasi ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka, waxaana la dhigay xabsiga oo muddo ay ku xirnaayeen.

Axmed Yuusuf Rabiile oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiga ku yaalo Ukraine, ayaa wuxuu sheegay inay yihiin dhalinyaro badan, kuwaasi oo doonaayay inay ka tallaabaan xadka Ukraine uu la wadaago dalka Ruushka.

Wuxuu sheegay in ilaalada maxaabiista ay dhibaato adag ku hayaan dadka maxaabiista ah si gaar ahna ay u dhibaateyaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee qaabka maxbuuska ah ugu xiran dalkaasi.

Rabiile ayaa tilmaamay in dadka Soomaalida ee xabsiga ku xiran ay kasoomeen raashinka muddo 3-cisho ah, ilaa hadana aysan jirin cid arintaasi kala hadashay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ugu baaqay inay wax ka qabato arintaan, islamarkaana dowladda Ukraine ay kala hadasho siideynta dhalinyaradaasi.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa dhibaatooyin kala duwan waxa ay ku haystaan dalalka caalamka oo xabsiyada ayeey ka buuxaan, mana jrto dowladda u istaageysa xuquuqda dhalinyaradaasi.