Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee Kenya iyo Uganda oo yaraaday

Warbixin kasoo baxday Hay’adda ICG ayaa lagu sheegay  in dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee Kenya iyo Uganda uu soo yaraaday kadib Shansano oo kasoo wareegaty Weerarkii lagu qaaday xarunta laga dukaamaysto ee Westgate ee magaalada Nairobi, ayagoo halkaa lagu dilay 67 qof, waxayna xarunta haysteen muddo afar maalmood ah.

ICG oo warbixin ka soo saartay 5 sano ka dib weerarkaas ayaa ku eegtay khatarta Al Shabaab ee gobolka Afrikada Bari iyo waxyaabaha iska beddelay amniga.

“Ugaarsiga aan loo aabo yeelin ee ka dambeeyey weerarkaas ayaa sii huriyey carada muslimiinta, wuxuuna sii dardar geliyey in mintidiintu ay dad cusub qortaan” ayaa lagu yiri warbixinta.

Sannadkii 2015 ayey hay’addu sheegtay in maamulayaashu ay nidaamkaas wax ka beddeleen.

Warbixintu waxay hoosta ka xarriiqday tallaabooyin ay maamulayaasha Kenya iyo Uganda adeegsadeen oo aan mirodhal noqon, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen xarig aan kala sooc lahayn iyo tacaddiyo ay boolisku u gaysteen dadka muslimiinta ah.

Laakin taas casharka laga bartay ayaa ah “in Soomaalida laga qayb galiyey amniga, sidoo kalena dadka dega gobolka xeebta lagu warejiyey sugidda amnigooda” ayuu yiri C/laahi Shaahow.

Hay’addu waxay ku talinaysaa in talaabooyinkaas la qaaday ay noqdaan kuwo la sii wado, waxayna dhinaca kale soo jeedinaysaa in “la joojiyo dadka la dilo ayadoo aan sharciga la marin”.

Waxay kaloo soo jeedisay in siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba la soo dhoweeyo muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalalkaas ku nool.