DHAGEYSO Guddiga Gurmadka fatahaadaha baaq deg deg ah uu soo saaray

Xubnaha Guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in xaaladda Magaalada Baladweyne ay tahay mid halis ah.

Guddoomiyaha guddiga oo ah Wasiirka gargaarka XFS, Xamsa Saciid Xamsa, oo u warramayay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Roobabkii da’ay ay xaaladdu ugu sii dareen, kuwaas oo sababay in uu xirmo garoonka Diyaaradaha Baladweyne.

Guddiga waxa ay ku booriyeen Shacabka Soomaaliyeed in ay ka wada qeybqaataan sidii loo caawin lahaa Dadka walaalahooda ah ee halkaa ku dhibaataysan, iyagoo si gaar ah baaq ugu diray sganacsatada ku nool Galmudug, Puntland iyo Gobollada ku dhow-dhow in ay gurmad uu raashiin ugu horreeyo la gaaraan.

Guddiga waxa uu sheegay in Gurmadka uu ku billowday dar-dar xooggan islamarkaana ay Dowladdu Gurmadkii ugu horreysay gaarsiiyeen Shalay Beledweyn, Maantana ay guddiga la kulmeen hay’adaha gargaarka oo ay ugu horeeyaan kuwa QM
HOOS KA DHAEYSO CODKA