Dhimashada iyo dhaawaca Qaraxyadii Baydhabo oo sii kordheysa

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa laba Qarax oo ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.

Jugta qaraxyada, waxaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada, waxaana la maqlayay sidoo kale rasaas culus iyo dhawaqa Gawaarida Ambalaaska.

Labada qarax ayaa midi waxa uu ka dhacay meel ku dhow Hotel-ka Bilan, halka qaraxa labaad uu ka dhacay bannaanka maqaayadda Badar.

Labada goob ee qaraxa uu ka dhacay ayaa waxay isku jiraan qiyaastii 5km.

qaraxyada oo aan daqiiqado badan u dhexeyn ay dhaliyeen khasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawacba leh waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee Qaraxyada waxaana dhimashada nta la ogyahay 8Qof oo dhimasho ah halka dhaawacana uu intaasi ka badanyahay oo uu gaarayo 20

Wali waxaa laga yaabaa in ay sii kororto qasaaraha ka dhashey qaraxyada oo ay intaa ka sii badan karto.

Goobaha caafimaadka oo ay laxiriirtey Radio baidoa waxaa ay inoo sheegeen dhaqaatiirta wali in ay ku mashquulsanyihiin la tacaalida dhaawacyada oo ay dib ka soo sheegi doonaan dhaawaca iyo dhimashada cisbitaalada la geeeyey.