Dhismaha Soobbe oo la ogaadey in uu ka adkeysi badanyahay kuwa Cusub

qasaaraha ka dhashay guryaha iyo dhismayaasha aanan loo dhisin tayadii loo baahnaa ee u adkaysan lahaa qaraxyada

Dhismaha Soobbe

Dhismaha kaliya ee aanan qeyb ka dumin, xitaa aanan meelna ka dilaacin waa daarta Soobbe, oo loogu magacdaray siyaasigii caanka ahaa ee reer Baydhabo ee Cabdiqaadir Soobbe.

Sida aad sawiradda ka arki kartaan ama aad goobjoogba u ahaydeen, inta baddan dhismayaashii ka ag dhowaa qasaare laxaad leh ayaa soo gaaray, halka qaarkood ay gebi ahaanba dhulka galeen.

Dadkii 14-kii oktoobar qaraxa ka badbaaday, goobtana ku sugnaa waxaa ka mid ahaa C/laahi Maxamed Shirwac oo ka tirsan ururada bulshada rayidka, “muddo 20 sanno ayaan degenaa dhismaha Soobbe, oo aan xafiis ku lahaa, sannad kasta waxaa laga dayactiri jiray halka tiirarka shubka ah ay ku yaalaan, anaga waan dhalliili jirnay, waxaanan dhihi jirnay gurigan Talyaani ayaa dhisay, sidee u dhici kartaa in sannad kasta la dayactiro, balse markii uu qaraxa nagu qabsaday ayaan ogaanay tayadiisa dhabta ah” ayuu yiri Shirwac.

Waxa uu qirey in ay ugu wacantahay dhidibada sida fiican loogu aasay guriga, iyo asaaskiisa oo adag, tiirashiisa oo shub ah, iyo waliba nooca birta la isticmaalay “Waxaanan ka ahayn daaqadihii muraayadda, ma jiro qasaare kale oo soo gaaray gurigan, xitaa dilaac ma uusan soo gaarin” ayuu yiri Shirwac.

“Waxaan ogaanay dhammaan guryihii la dhisay illaa 1980-kii iyo wixii ka horeeyay ay ka adagyihiin kuwa dhawaanahan la dhisay, tusaale guriga Soobbe waxaa kasoo horjeeda gurigii Danwadaagaha, qaraxa ma uusan dumin marka darbiga laga tago, hadda ka hor gurigii Hargaha iyo Saamaha ayuu qarax ka dhacay, sidaasi si la mid ah, marka waxaa muuqanaysa in tayada dhismayaasha ay wax weyn ka tari karaan in ay dadka gudaha ugu jira badbaadaan marka ay masiibooyinka dhacaan.

Caadi ahaan dowladaha hoose ee adduunka waxaa shaqadooda ka mid ah in ay illaaliyaan tayada dhismayaasha laga dhisayo magaaladaas, waxaa jira tayo dhawr, iyo waliba sannado loogu talogalay in uu gurigaasi dhisnaado, taas oo wixii ka dambeeya qofka mulkiilaha uu ku qasbanyahay in uu guriga dumiyo xitaa haddii uu weli taaganyahay.

Arrintan waxa ay qeyb ka tahay badbaadada iyo nabadgelyada dadweynaha , taas oo looga diyaargaroobayo masiibooyinka sida dhulgariirada , duufaanada iyo weliba daadadka.