Dhismaha Wada Tashiga Iyo Ujeedooyinka Shirka Wada Tashiga Qaranka Soomaliya

September, 19 2015 (Radio Baidoa) Magaalada Muqdisho oo maanta si toos ah ugu furmay shirka wada tashiga ee Soomaliya ayaa kasoo qeyb galay Madaxda Maamul Gobaleedyada iyo Beesha Caalamka.

Madasha shirkan oo ay ku kulmeen madaxda Maamul Gobaleedyada iyo dowlada federalka Soomaliya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha dowlada federalka mudane Xasan Shiikh Maxamuud, gudomiyaha baarlamanka mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke Raisalwasaraha Xukumada Federalka Soomaliya iyo wasiiro federal ah.

Sidokale shirka waxaa ku sugnaa madaxweynayaasha maamulada sida madaxweynaha maamulk Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, madaxweynaha maaulka Gal-mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Dhinackale Shirka wada tashiga waxaa kasoo qeyb galay Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe Mr. John Kery, safiirada wadamada daneynaya arimaha Soomaliya, safiirka IGAD iyo dhamaan safiirada shisheeye ku sugan gudaha dalka Soomaliya.

Wasiirka wasaarada warfaafinta Mudane Cabdi Xayir Maareeye oo shir jaraa’id qabtay shirka kadib wuxuuna sheegey in uu bilowday  qorshe qaran oo looga tashanayo mustaqbalka Soomaliya 2016-ka

Wasiirka wuxuu sidokale tilmaamey in uu bilowday  process-ka oo oo labo arin ah sida uu u dhigay.

  1. In la dardargaliyo xoogeysiga dowladnimada Soomaaliya sida amniga, dhaqaalaha iyo dhameystirka Federalism-ka.
  2. Sidii 2016-ka loogu gudbi lahaa Nidaam ka ballaaran midka hadda jira

Waxaa kaloo ka soo qeyb galayaasha isku afgarteen in wada tashiga qaran laga qeyb galiyo dhamaan bulshada oo gobolada iyo dibadda ku sugan sida  haweenka, dhalinyarada, Odoyaasha, Warbaahinta iyo qeybaha kala duwan laga soo aruuriyo si prosses-ka ay Soomaaliya u lahaato, Soomaalina ay hogaamineyso halka beesha caalamka ay fududeyndoonto

Process-ka marka uu dhamaado waxaa la isla afgartay in la dhiso Madal lagu magacaabo ”golaha Wadatashiga” iyo Labada gole ee Federaalka.

Radio Baidoa

Waxaad Nagala Xiriiri Kartaa

hashimmalaaq@gmail.com