Dhulgariir ka dhacay Taiwan

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dhulgariir xoogan oo ka dhacay dalka Taiwan waxaana ku dhintay labo qof waxaana ku dhaawacmay dad ka badan boqol qof.

Dhulgariirkaan Cabirkiisa ayaa lagu sheegay inuu gaarayo 6.4 waxuuna ka dhacay meel 20-KM u jirta jasiirada xeebaha bari.

Qaar ka mid ah Dadka wax badbaadiyay ayaa weli baarraya dad la sheegay inay ku hoos jirraan guryaha burburay iyo hoteeladda.

Muuqaallo iyo sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya burburka guryaha dumay iyo qasaaro weyn oo soo gaaray wadooyinka deegaanadaasi ka agdhow.

Qaybta hoose ee hotelka Marshal ayaa la aaminsan yahay inay ku jiraan sadax shaqaalaha ka mid ah oo halkaasi ku xayiran

Qof goobjooge ah ayaa sheegaya inuu arkay iftiin hotelka burburay gudihiisa ka baxaya. Dad ayaana ku hoos jira ayuu raaciyay burburka hotelka.

Dad haysta telefoonada gacanta ayaa shidaya iftiin ay ku muujinayaa halka ay kaga jirraan burburka dhismaha si loo ogaado.

Ilaa dad gaaraya 28 qof ayaa la soo badbaadiyay ilaa iyo hadda oo laga soo saarray burburka dhismayaasha.

Dadka ka qaybqaadanaya gargaarkan waxaa ka mid ah ciidanka oo si degdeg ah loogu yeerray.