Diiwaangelinta Musharrixiinta Golaha Shacabka oo ka socota Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta guddiga doorashooyka ee heer dowlad Goboleed ka bilaabeen diiwaangelinta iyo shahaado siinta musharrixiinta 11 kursi e Golaha Shacabka kuwaas oo dhawaa ay dhaceyso doorashadooda.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleedka ee Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan guddoonsiiyeen shahaadada musharaxnimo ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ka dib markii uu maanta gaaray Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Koonfur Galbeed Yuusuf Cabduqaadir ku xigeenkiisa iyo Xubnaha Gudiga ayaa shahaadada gudoonsiiyey musharraxnimo guddoonsiiyay Wasiirkii hore Ganacsiga Soomaaliya  Aadan Maxamed Nuur Saran-soor .

Diiwaangelinta doorashada musharrixiinta kuraasta Golaha Shacabka ayaa maalmaha soo socda kasii socon doonta, waxaana guddiga doorashooyinka ay diyarinayaan sidii ay ku dhici laheyd doorashada kuraasta Golaha Shacabka.