Dil ka dhacay degaan ka tirsan Puntland & xiisad ka taagan

Dilka qofka oo ahaa Shacab ayaa xalay waxaa uu ka dhacay deegaanka HORUFADHI ee gobolka Sool,waxaana la sheegay in ay dilkaasi geysteen maleeshiyaad hubeysnaa.

Dilka ayaa wararka waxaa ay sheegayaan in uu la xiriiro aanooyin qabiil oo horey uga jirtay deegaankaas,balse haatan u muuqato inay dib u soo cusboonaatay.

Dadka Tuulada HORUFADHI ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa maleeshiyaad kasoo kala jeeda qofka Shacabka ahaa ee la diley & dadkii ka dambeeyey dilkiisa,isla markaana ay cabsi dareemayaan.

Dhinaca kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Waxgaradka iyo Odayaasha magaalada Buuhoodle oo uu hoostago deegaanka dilka ka dhacay ay ku hawllan yihiin sidii loo joojin lahaa xiisadas,isla markaana looga hortegi lahaa Colaad markale ka dhacda deegaankaas.