Diyaaradad helicopter ah oo kusoo dul dhacday Garoonka diyaaradaha Xudur

Diyaarad military nooca qumaatiga u kacda ee loo yaqaano helicopter ayaa goor dhoweyd kusoo dhacday garoonka diyaaradaha xarunta gobolka Bakool ee Xudur.

Diyaarada oo ay lahaayeen ciidamada Itoobiyaanka sida ay wararku sheegayaan ayaa soo dhacday xili ay isku dayeysay inay garoonka ku degto.

Inta la xaqiijiyay ilaa iyo hada waxaa ku dhintay hal qof inkastoo uu weli socdo gurmadka loo fidinayo diyaarada oo uu dabna ka kacay.

Lama oga sababta keentay inay diyaaradu soo dhacdo balse waxaa loo badinayaa cilad farsamo inay ku timid.